Bangiga Barclay oo cadaadis kala kulmay shirkadaha xawilaada oo D/shiil hormuud u tahay

| |

Talaado: 25-Juunyo-2013: [JSN] Dowlada Ingiriiska ayaa laga codsaday in ay ka hortagto talaabada bangiga Barclay ku talo jiro in uu ku xiro laantiisa shirkada Dahabshiil

Bangiga Barclay oo ah bangigii ugu danbeeyey oo laga leeyahay wadanka Ingiriiska ee ay isticmaalaan Soomaalida xawilaadaha wax isugu dira ayaa go aansaday in uu xiro laanta bangiga ee ay shirkada Dahabshiil isticmaasho laga bilaabo 10 luulyo 2013, ka gadaal markii uu bangiga ka cabsaday in adeega bangiga loo isticmaalo in lacago si sharci daro ah lagu kasbaday lagu sharciyeysto iyo arrimaha la xiriira argigixasada maadaama Soomaaliya aysan jirin cid la aamini karo ama hay ad kontorooli karta in shiradaha xawilaada ay u hogaansamaan shuruucda caalamiga ah  ee u dajisan in aan loo isticmaali karin arrimaha argagixisada iyo ku sharciyaynta lacagaha sida sharci darada lagu kasbaday.

Ururo NGO ah iyo dalada shirkadaha xawilaada oo ay hormuud u tahay shirkada Dahabshiil ayaa dowlada Ingiriiska si toos ah ula xiriiray iyagoo ka codsaday in lagu cadaadiyo Barclay in uusan xirin laanta ay isticmaasho shirkada Dahabshiil, haddii kale ay saamayn ku yeelan doonto Soomaalida lacagaha isugu dira dhinaca xawilaadaha  lagama maarmaan u tahay adeegaan.

Bangiga Barclay ayaa si qoraal ah u ogeysiiyey shirkada Dahabshiil in ay xiri doonaan laanta ay ku leeyihiin  bangiga Barclay laga bilaabo 10-july-2013

Shirkada Dahabshiil ayaa ayaamahan danbe fari ku godnayd oo dad badan shaki ka muujiyeen qaabka ay u shaqayso ka dib markii ay dhawaan websaaytkeeda ka saartay calankii Soomaaliya inkirtayna qaranimada iyo sharafta wadanka Soomaaliya halka ay wadamada kale ee geeska Afrika sida Jabuuti, Keenya iyo Itoobiya  aysan ka tagin calankooda iyo magaca wadanka.

Waxaa qaylodhaan iyo ashtakooyin u soo jeediyey shirkada dad badan oo macaamiisheeda ka mid ah oo qurrbojoog ah barta faysbuuga  una  arkayey in ay ku xadgudbtay sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed, nasiibdaro Dowlada Soomaaliya arrintaan waxay ka qabatay ma jirto maadaama qaranimada wadanka Soomaaliya uu yahay lama taabtaan.

Haddii ay shirkada Dahabshiil ka saartay calanka iyo magaca Soomaaliya una bixisay Somali region ma waxay qayb ka tahay kala goynta Soomaaliya iyo abuuritaanka colaadaha Soomaaliya ? Jawaabta su’aashan waxaan u daayey akhristayaasha fiiri sawirka hoose ama booqo websaaytka shirkada dahabshiil.

Dahabshiil2

Soomaali lagu qadaray 1.5 malyuun oo qurbojoog ah ayaa Soomaaliya dibadaha uga soo maqan kuwaasoo badankooda eheladooda lacagaha ay u dirayaan u sii marsiiyo shirkadaha xawilaadaha ee Soomaalida.

 

Nasiibdaro dowlada Soomaaliya oo hadda hanoqaad ah mudo yarna xukunka hayso ayaan la ogayn in ay kusoo rogto shirkadaha xawilaadaha in ay u samayso laysinka bangiyada oo kale oo shirkada kasta ay hoos timaado maamulka dowlada una hogaansanto sharciga wadanka Soomaaliya iyo kuwa  caalamiga ah taasoo wax wayn ka qaban karto nabadgelyada Soomaliya madaama ay jiraan kooxo argagixiso ah oo isticmaalo shirkadaha xawilaadaha taasoo keeni karta in ay wiiqi karto  ama lagu ciribtiri karo kooxaha nabad diidka ah ileen waxay u baahanyihiin maaliyad ay ku maalgeliyaan howlgaladooda gurancan oo ka dhanka ah nabada Soomaaliya.

 

Joornaalka Soomaalida Nederland

  (9178)

Posted by on Tuesday, June 25th, 2013. Filed under Argagixisada, Maaliyada, Soomaalida, Wararka, Xogta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply