Kana siib kana saar Masar oo Xusni dayn rabto xirtayna madaxa akhwaanul Muslimiinita

| |

Talaado: 20-08-2013 [www.somculned.com] Wadanka Masar oo ay ka taagnaayeen ayaamihii ugu danbeeyey dhibaatooyin ay dad badan naftooda ku waayeen oo ay isaga soo horjeedeen taagerayaasha madaxweynihii inqilaabka ay xukunka uga rideen militeriga Masar ee Mursi iyo ciidamada Masar ayaa lagu kala baxay oo taagerayaashii Mursi la xasuuqay oo laga dhigay wax la dilay iyo wax la xiray.

Militeriga xukunka Masar ku qabsaday xooga ayaa hadda ku jira sharci ay ku mamnuucayaan xisbiga akhwaanul Muslimiinka xireena madaxii xisbiga Maxamed  Bidaay kuna eedayay in uu gaystay dambiyo dil iyo xasarad abuuris ah hadana xabsiga ku jira.

Kana xir kana sii daa

Maxamed Bidey

Kana siib kana saar waxaa ay Soomaalida ku xasuusataa gabaygii Timacade oo uu ka tiriyey markii ay la dajiyey calankii Ingiriiska lana saaray calankii Soomaaliya ayaan ugu soo qaadanay tusaale,  Milateriga Masar waxaa sida la sheegay la sii dayn rabaa Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo ku jiray xabsiga isagoo 83 jir halka badalkiisa la xiray madaxa Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka.

Xaalada wadanka Masar ayaa la isku dhaafi waayey is hor yuurar labadii kooxood ee iska soo horjeeday ee taagerayaashii Mursi oo xasuuq iyo tacadi badan loo geystay cagtana la mariyey taasoo ah mid ka baxsan xuquuqda insaanka arrintu si kastaba ha ahaatee wadamo badan oo Maraykanka iyo Midowga Yurub oo laga filaayey in ay si cad uga soo horjeestaan cambaareeyaan ayaa ka cago jiiday una egtahay in ay raalli ka yihiin in Mursi iyo taageerayaashiisa inta la mamnuuco hadhoow lagu andacoodo sharciga wadanka Masar ayaan dhowraynaa.

Waxaa cadaatay wadamada Yurub iyo Maraykanka iyo qayaanada midowday in ay arkeen in aan la aamini karin akhwaanul Muslimiinka oo noqday kuwa aan shaxda siyaasada adduunka aan waxba kala socon aqoona aan u lahayn  khibrad sidaas daraaadeed la galbiyey una badantahay in ay abidkood kusoo noqon siyaasada Masar.

Akhwaanka nasiibdaro way ku guulaysteen xukunka laakiin waxaa ka khaldamay qaabkii ay shaxda siyaasada u ciyaari lahaayeen taasoo khibrad la’aan aawadeed guushoodii si fudud isaga tuuray aan calfan, nasiib daro xal uma hayn Masar waxaana qumanayd in ay bal marka hore fahmaan qaabka shaxda siyaasada adduunka u dajisantahay iyo xuduudaha aan laga gudbi karin,.

Wadamada Muslimiinta ururadooda sida Jaamacada Carabta ururada kale ee ay ku midoobeen wadamada Muslimiinta ayaan illaa hadda laga hayn wax taageero dhexdhexaadin iyo talo soo jeedin midnaba,

Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]

www.somculned.com

(162)

Posted by on Tuesday, August 20th, 2013. Filed under Aragtiyo, Arr. bulshada, Masar, Masar/Egypt, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed